U bood dhigaalka

Waddooyinka Magaalada Muqdisho Oo Xiran

Sheeko:Amniga

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo diidaya isku socodka gaadiidka.

Wadada dheer ee makakka Al-mukarrama ayaa si gaar ah waxaa isgoys walba u taagan ciidamada dowladda, waxayna celinayaan gaadiidka ay wataan dadka shacabka ah.

Dadweyne badan ayaa la arkayaa iyaga oo ku lugeynaya wadadadaasi iyo sidoo kale dhammaan jidadka kale ee soo gala wadada makka Al-mukarrama.

Shacabka lugeynaya ayaa u badan shaqaale iyo arday, kuwaasi oo kuu sheegaya iney dhib qabaan xilliyada ay waddooyinka xiran yihiin.

Sababaha loo xiray ayaa lagu sheegayaa dabaaldegyada 26-ka June ee ka socda magaalada Muqdisho.

Wixii ka dambeeyey markii la doortay madaxweyne Farmaajo waxaa aad usoo kordhay waddooyinka magaalada ee Ogeysiin la’aanta la iska xiro, xilli olilihii Farmaajo qeyb ka ahayd inaan shacabka waddooyinka laga xiran doonin.

Goobjoog News