U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Oo Aan Laheyn Bullaacadaha Qaada Biyaha

Sheeko:Dalka

Ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa xirmay doomihii biyo mareennada ahaa ama loo yaqaanno bullaacadaha kuwaasi oo ku yaallay degmooyinka gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho marka uu roobka da’o ma jiraan bulaacado qaada biyaha fariista waddooyinka, waxaana dhici kara in arrintani ay ka dhalato xanuunno iyo xaalado kala duwan oo ku yimaada dadka ku nool goobaha ay biyihu fariistaan.

Biyo ceshidka sameysma marka uu roobka da’o waa kuwo aad u badan marka la eego waddooyinka gobolka Banaadir waxayna yeesheen saameyn dhinac kasta ah.

Shariif Aadan Boorow waxaa uu ka hadlayaa saameynta ay yeelan karto biyaha fariista waddooyinka muqdisho xilliyada roobka waxaa uuna yiri “Dhibaatooyin aad u badan ayaa ka dhasho, cudurro badan ayaana ka dilaaca, waxaa jira caruur ku ciyaara oo dhex-gala biyaha fariista waddooyinka kuwaas oo halis ugu jira cudurro badan oo ka dhalan karo biyaha iyo qashinka fadhiya”.

Biyo xireennada fariistay waa kuwo aan helin dib u dayac-tir, waxayna ku saleysantahay in ay meesha ka maqantahay qorsheynta Magaalooyinka .

Cabdirashiid Cartan madaxa hay’adda Dhowrista deegaanka waxaa uu Goobjoog News uga warbixiyey sida loo maareyn karo biyo fariisadka waxaa uuna yiri.

“Hadda waxaa lagu jiraa xilligii roobka, waxay aheyd xilligii qaleylka dowladda in ay latimaado qorshe, maadaama magaalada aysan laheyn meelo ay maraan biyaha, waxay aheyd in arrintan mar hore laga baaraan dego, roobka markuu yimaado waxaa dhici doona in ay waddooyinka ay fariistaan biyo badan”.

Goobjoog News