U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Oo Dib Loo Furay

Sheeko:Dalka

Gelinkii dambe ee maanta waxaa dib loo furay waddooyinka magaalada Muqdisho oo maanta loo xirey caleema saarkii madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Gabal dhacii maanta waxaa dib u bilowday isku socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho, waxaana la qaadey dhammaan ciidamadii dheeraadka ahaa ee waddooyinka magaalada xirey.

Waxaa dib usoo laabtay gaadiidka dadweynaha, inkastoo dadka maanta badi ay ahaayeen kuwo ku nagaaday guryahooda.

Waxaa furan waddooyinka Makka Al-mukarrama, Wadnaha, 30-ka iyo kuwo kale oo loo xiray munaasabadda caleema saarka.

Kaliya waxaa furan waddooyinkii waaweynaa, waxaana weli carada iyo dhagxaantii ay ku go’an tahay jidcayadaasha laamiyada waaweyn soo galeyey, wallow dowladda federaalka laga doonayo iney waddooyinkaasi ka qaadaan waxyaabaha ay ku jareen, kana dhigaan sidii ay xiritaanka kahor ahaayeen.

Maanta magaalada Muqdisho waxaa marti ku ahaa madaxda dalal dhowr ah oo ka qeybgalayey caleema saarka madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Goobjoog News