U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Oo Loo Xiray Caleema Saarka Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta gabi ahaanba xiran waddooyinka magaalada Muqdisho, sababo la xiriira munaasabadda caleema saarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Ciidamada dowladda ayaa lasoo dhigey waddooyinka Muqdisho guud ahaan, waxaana la ogoleyn isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Waxaa sidoo kale dhagxaan iyo carro lagu jaray dhammaan jid cadayaasha soo gala ama ka baxa waddooyinka Wadnaha iyo Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la arkayaa shacab badan oo saakay cagta maalaya si ay u gaaraan goobahooda shaqo ama waxbarasho.

Munaasabadda ay kasoo qeybgalaan madax sare, doorashooyin ama shirar caalami ah markii ay ka dhacayaan magaalada Muqdisho ayaa sidan oo kale loo xiraa waddooyinka.

Goobjoog News