U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Oo Maanta Xiran

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa saakay shacabka Muqdisho ay kusoo tooseen guud ahaan waddooyinka magaalada oo xiran iyo ammaanka oo ay adkeenayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan saakay shaqeyneyn inta badan gadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho, waxaa la arkayaa shacabka oo lugeynaya.

Waddooyinka waaweyn ayaa waxaa ku sugan gadiidka dagalka iyo ciidamada dowladda, jid cadayaashana waxaa ku xiran dhagxaan iyo carro.

Saameynta ugu badan ee waddooyinka la xirey ayaa saameeyey ardayda iyo shaqaalaha ee saakay waxbarashada iyo howlahooda shaqo u kalahayey.

Doorashada guddoonka golaha shacabka ee Muqdisho lagu qabanayo ayaa sabab u ah in la xiro waddooyinka Muqdisho.

Mararka ay dhacayaan doorashooyin iyo shirar caalami ah waxay shacabka Muqdisho u diyaar garoobaan iney cagta maalaan, waayo waddooyinka ayaa la xiraa.

Goobjoog News