U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Oo Saakay Xiran

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay xiree inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo aaney jirin isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Waxaa la arkayaa ciidamo badan oo oo xiran dhammaan waddooyinka, waxaana la diidayaa in waddooyinka la maro.

Gaadiidka dagaalka ayaa la arkayaa iyadoo lagu xiray isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana sababta loo xiran waddooyinka ay tahay dabaal degga 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo munaasabadda 12-ka April  oo ka dhici doonta xarunta wasaaradda difaaca ee magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News