U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Oo Xiran

Sheeko:Amniga

Waxaa saakay oo Isniin ah xira inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayo ciidamada dowladda federaalka oo halkaasi u diidaya gaadiidka.

Ciidamo Booliis ah ayaa ku sugan waddooyinkan, sida wadada Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale dhammaan jidadka kasoo baxa wadada wadnaha ee soo aada dhanka Makka Al-mukarrama.

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo hayn sababta loo xiray waddooyinkan, ayaa hadana waxaa la arkayaa shacabka oo lugeynaya.

Dad u badan arday iyo shaqaale ayaa u sheegay Goobjoog in xirnaashiyaha waddooyinkan ay kedis ku noqotay, islamarkaana aanay fileyn in la xirayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News