U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Qaarkood Oo Maanta Xiran

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saakay kusoo toosay qaar kamid ah waddooyinka magaalada oo xiran, loona diidayo iney maraan gaadiidka dadweynaha.

Waxa ay ciidamada u diidayaan in gaadiidka u gudbaan dhanka wadada Makka Al-mukarrma, balse waddooyinka waaweyn socodkooda waa caadi.

Lama oga sababta loo xiray waddooyinka, iyadoo horeyba u xirnaayeen jidcadayaashii ku teedsanaa wadada Wadnaha, aadayeyna dhanka Makka Al-mukarrama.

Maalmahan dambe, waxaa soo badanayey waddooyinka xiran ee loo diidayo gaadiidka dadweynaha, iyadoo shacabka u muuqdaan kuwo taasi ka daalay.

Dadka qaar oo la hadlay Goobjoog News, xilli ay lugeynayeen ayeey sheegeen iney wanaagsanaan lahayd in dowladda sii sheegto marka ay xireyso waddooyinka sidii marar horeba u dhacday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News