U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Qaarkood Oo Maanta Xiran

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xiray waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, waxaana la arkayaa askar badan oo daadsan waddooyinkaasi.

Laga soo bilaabo isgoyska Zoobe, KM-4, wadada aadda dhanka Tarbuunka iyo qeyb kamid ah wadada Makka Al-mukarrama ayaa loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

Lama oga sababta ka dambeysay in la xiro waddooyinkaan, iyadoo ciidamada ay darawallada gaadiidka ku wargelinayaan in aan la ogoleyn marista waddooyinkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News