U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Qaarkood Oo Saaka Xiran

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ugu muhiimsan ee isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Dadka shacabka ah ayaa kusoo toosay waddooyinkan xiran iyadoo aanay jirin digniin hore ama la socodsiin ah in waddooyinka la xiri doono, sida dhowr jeer oo horeba dhacday.

Wadada Wadnaha kama soo gudbi karaan gaadiidka dadweynaha oo masoo aadi karaan dhanka Makka Al-mukarrama, waxayna wadada ka xiran tahay laga soo bilaabo Isgoyska Sanca illaa iyo Ex-control.

Dadweyne u badan shaqaale iyo arday ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya, waxayna dadkan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, ay sheegeen iney dhibaato badan ku qabaan waddooyinka la xir-xirayo.

Weli maamulka gobolka Banaadir iyo guud ahaan dowladda Federaalka ah kama aanay hadal ulajeedka ka dambeysa in la xiro waddooyinka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News