U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Qaarkood Oo Saaka Xiran

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana loo diiddan yahay inay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News ayaa socod kusoo maray waddooyinkan, waxaana ay soo arkeen shacab badan oo gaadiid wata, misane aan loo oggoleyn iney maraan.

Waddooyinka xiran ayaa ah kuwa yar yar ee isku xira waddooyinka waaweyn ee Wadnaha iyo Makka Al-mukarrama.

Ciidamada ayaa ku amraya gaadiidka inay dib u laabtaan, xitaa haddii ay yihiin dadka saaran arday ama shaqaale.

Kaliya waxaa waddooyinkan xiran loo oggol yahay inay maraan dadka shacabka ah ee aan wadan gaadiidka.

Goobjoog News