U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Qaarkood Oo Saaka Xiran

Sheeko:Dalka

Inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka ah kuwo xiran arrimo la xiriira munaasabadda maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee 12-ka April.

Waddooyinka isku xira Isgoyska Km-4, Tarabuunka, Warshadada, Banaadir waxaa ku sugan ciidamo Milatari ah oo diidaya in halkaasi ay isticmaalaan dadka iyo gaadiidka.

Shacabka ayaa ah kuwo lugeynaya, waxaana dadka qaar ay kuu sheegayaan in ay kusoo talagaleen saaka in goobahooda ganacsiga iyo waxbarashada ay lug ku tagaan.

“Annaga maanta waan kusoo talagalnay in la lugeynayo sababtoo ah 12-ka April in ciidanka xoogga dalka dabaaldegayaan waan ognahay waddooyinkana la xirayo, sanadkii hore ayaa sidaan oo kale loo xiray waddooyinka marka xalay ayaanba ku seexannay in gaadiid la helaynin” sidaasi waxaa inoo sheegay mid ka mid ah dadka ku lugeynayey magaalada Muqdisho.

Ciidamada Milatariga ayaa inta badan ku sugan waddooyinkan xiran waxayna dadka u ogolaanayaan oo kaliya inay maraan waddooyinka yar yar ee ku dhow laamiyada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News