U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Qaarkood Oo Saakay Xiran

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay xireen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kalena ciidamo badan lagu arkayo waddooyinkaasi.

Waxaa xiran isgoysyada Jubba, Daljirka Daahsoon, Ceelgaabta iyo wadada 21-ka October, waxaana ciidanka xiray ay ku labisan yihiin dareeskii ay wadan jireen ciidanka xasilinta Muqdisho oo horey magaalada looga wareejiyey.

Lama oga sababta ka dambeysa in la xiro waddooyinka oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Waxaa la arkayaa shacab badan oo lugeynaya, islamarkaana aan kusoo talogalin in waddooyinkan la xirayo.

Sameynta ugu badan ayeey waddooyinkan xiran ku yeeshay ganacsiga suuqa X/weyne oo dadweyne badan ku tiirsanaayeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News