U bood dhigaalka

Waddooyinka Xiran Ee Gala Degmada Xudur Oo La Furayo

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay qaadi doonaan howlgallo ay sheegeen in lagu furayo wadooyinka soo gala degmadaasi ee xiran.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Macallin oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku bixi doonaan Labada waddo ee aada dhanka Waajid iyo Tiyeeglow halkaasi oo ay u xiran tahay Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in xirnaanshiyaha waddooyinkaasi ay saameyn ku yeelatay dadka shacab ah, islamarkaana la go’aamiyay in howlgalkaasi la qaado.

“Seddax waddo horay ayaan u furnay, waxaa inoo haray Labo waddo oo kaliya kuwaana maalmaha soo socda ciidanka ayaa ku bixi doona, Xudur dhammaan waddooyinkeeda waxay noqon doonaan kuwo wada furan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay u xirtay dhammaan waddooyinka gala degmada Xudur hase yeeshee howlgallo ay sameeyeen ciidanka dowladda Federaalka ayaa waxaa dib loo furay Seddax waddo oo shacabka Xudur Muhiim u ah.

Goobjoog News