U bood dhigaalka

Wadooyinka Burbursan Ee Magaalada Baydhabo Oo Dib Loo Dhisayo

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gaadiidka maamulka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Black ayaa maanta waxa uu kormeer ku sameeyay wadooyinka magaalada Baydhabo oo xilligaan burbur ka jiro.

Waxa uu u kuur galay xaaladda wadooyinkaasi iyo sidoo kale meelaha ugu daran ee aan la mari karin.

Cabdullaahi Black ayaa saxaafadda u sheegay in ka wasaarad ahaan ay dib u habeyn ku sameyn doonaan dhammaan wadooyinka magaalada Baydhaba iyaga oo kaashanaya Iskaashatada gaadiidka gobalka Baay.

Dhawaan ayuu tilmaamay in dib u habeyn lagu sameyn doono mid ka mid ah wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Baydhaba.

“Waxaan aragnay sida wadooyinka magaalada Baydhaba ay ugu kala baahan yihiin dib u habeynta, waxaan dooneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan aan ku dhisno mid ka mid ah wadooyinkaasi, kuwa kalena waa ay xigi doonaan” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale qaar ka mid ah darawallada kaxeeya gaadiidka ka dhex shaqeeya xaafadaha magaalada Baydhaba ayaa soo dhaweeyay dib u dhiska lagu sameyn doono wadooyinka magaaladaasi.

Goobjoog News