U bood dhigaalka

Wadooyinka Muqdisho Qaarkood Oo Maalintii Labaad Xiran

Sheeko:Dalka

Maalintii Labaad waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, sababo la xiriira shirka heerkiisa sarreeya ee lagu qabanayo magaalada.

Shacabka oo aad moodo in maanta ay kusii tashadeen waddooyinka xiran ayaa la arkayaa in meelaha qaar ay lugeynayaan.

Gaadiidka dadweynaha waxay marayaan waddooyinka Wadnaha, Sodonka iyo Warshadaha, waxaa xiran wadada Makka Al-mukarrama iyo dhammaan jidadka iyo laamiyada soo gala wadadaasi.

Dadka qaar oo aan la sheekeysanay ayaa sheegay iney la yaab ku noqotay in magaalada kala bar loo xiro shir ka dhacaya xarunta Xalane oo la ogyahay in amnigeeda si aad ah loo adkeeyay.

Goobjoog News