U bood dhigaalka

Wafdi Beesha Caalamka Ah oo Booqday Jowhar

Sheeko:Dalka

Wafdi ka socday Qaramada Midoobey iyo hey’ado caalami ah ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad gobaleeda Hirshabelle, waxaa  hoggaaminaayay madaxa hey’adda UNDP Soomaaliaya Jocelyn Mason.

Ku simaha madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeen Cali Guud laawe Xuseen iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Hirshabeelle ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jawhar.

Sidoo kale waxaa wafdiga qeyb ka ahaa madaxa hay’ada IOM iyo UN Habitat oo mashaariic kala duwan horay uga fuliyay deegaannada Hirshabeelle, waxaana ay kulan la qaateen ku simaha Madaxweyne iyo labada gole ee Hirshabeelle waxaana laga wada hadlay sidii looga taageeri lahaa Hirshabeelle dhinacyada ammaanka, dib u heshiisiinta federaaleenta, biyaha iyo caafimaadka.

Dhankale intii kulanka uu socday ayaa waxaa la isku soo hadal qaday sidii Hirshabeelle looga taageeri lahaa dhismaha ciidamada Booliska iyo saldhigyo ammaanka laga xaqiijiyo iyo sidii mashaariioc horumarineed looga fulin lahaa magaalada Jowlar, oo ay ka faaiideytaan dadka reer Jowhar

Wafdigaan kala duwan ee maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo dowlad gobaleedka Hirshabeelle oo dhisan ku dhawaad afar sano uusan helin mashaariicda horumarineed ee dowlad gobaleedyada kale ay helaan oo ay ka fuliyaan hey’ada Qaramada Midoobey, waxaana ugu wacan aydoo deegaanada ay adag tahay in safarada dhul ah la iskaga gudubo.

Goobjoog News