U bood dhigaalka

Wafdi isugu jira Barre Hiiraale iyo wasiiro oo soo gaaray Muqdisho

Sheeko:Dalka
Barre Hiiraale oo ku sugan garoonka Kismaayo intuusan u soo duulin Muqdisho
Barre Hiiraale oo ku sugan garoonka Kismaayo intuusan u soo duulin Muqdisho

War daqiiqado ka hor na soo gaaray ayaa sheegaya in diyaaradii siday wafdigii wasiirada ee ku sugnaa Kismaayo iyo Kornel Barre Aadan Shire Hiiraale ay soo caga dhigatay garoonka  dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xubno ka socda labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdiga ku soo dhoweeyay garoonka.

Ammaanka wafdiga ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la arkayaa ciidamo gaar ah oo sugaya ammaanka wafdiga.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM.