U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Aqalka Sare Oo Gaaray Caasimadda Puntland Ee Garoowe (Dhageyso+Sawirro)

Sheeko:Dalka

Wafdi ka socda aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland, kaasoo halkaasi loogu diray xal u helidda khilaafyada ka dhex jira dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah oo Puntland ay kamid tahay.

Waxaa wafdiga oo garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay guddoomiyaha guddigaasi Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo ka kale tirsan labada gole ee Puntland.

Guddoomiyaha gollaha wakiillada dowlad goboleedka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan wafdiga aqalka sare uga socda.

Wuxuu sidoo kale u rajeeyay in ay howshooda ku guuleysan doonaan oo ah dhexdhexaadinta Puntland iyo xukuumadda Muqdisho.

Guddoomiyaha guddigani Senator Cabdiraxmaan Faroole, oo aqalka sare uu u magaacay Puntland oo ahkamdi ah qorshe guddiyo gollaha Senate-ka uu ugu kale diray dowlad goboleedyada shanta ah ee dlaka.

Senator Faroole wuxuu sheegay in guddigu uu u socdo qorshe gaar ah oo dastuuriya islamarkaana howshooda ay qabsan doonaan.

Xubnaha guddiga Senaate-ka ee Puntland ka degay ayaa kale ah:

  • Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) – Guddoomiyaha
  • Maxamuud Axmed Maxamuud (mashruuc)
  • Siciido Xasan Cusmaan
  • Xuseen Sheekh Maxamuud
  • Cismaan Axmed Macow
  • Mustaf Maxamed Qodax
  • Bootaan Barre Samatar
  • Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere
  • Farxaan Cali Xuseen
  • Hodan Maxamuud Cusmaan
  • Ayuub Ismaaciil Yuusuf
  • Shukri Adam Maxamed

Sida qorshaha uu yahay waxay kulamo kula qaadan doonaan magaalada Garoowe intii ay ku sugan yihiin madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas), wasiirradiisa, baarlamaanka iyo sidoo kale qeybaha kale duwan ee Bulshada gaar ahaan inta ay quseyso arrinta ay u socdaan.

Guddigaan ayaa markii ay howshooda kulamada ah u soo dhammaato warbixin buuxda u gudbin doonaan Aqalka sare si go’aan looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee Villa Somalia iyo maamullada, oo hadda meel xun gaaray.

Dhanka kale, guddiyo kale ayaa la filayaa inay ka degaan caasimadaha dowlad goboleedyada kale sida Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa horay u magacaabay guddiyo uu u kala dirayo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah xukuumadda federaalka si xal loogu helo khilaafyada siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda iyo maamullada.

Halkaan Ka Dhageyso Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland:

Halkaan Ka Dhageyso Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole:

Hoos Ka Daawo Sawirrada:

Goobjoog News