U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Aqlka Sare Oo U Ambabaxay Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Wafdigii ugu horeeyey ee Golaha Aqalka Sare ee BaarlamaankaFederaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada  ayaa saakaka ambabaxay Magaaladda Mogadishu.

Wafdigan ayaa ku wajahan Dowlad Goboleedka Puntland, waa 10 Senator iyo 2 kaaliye,  oo  ujeedku yahay xog ururrin dhab ah iyo xal kagaarista khilaafkan soo noqnoqday ee ragaadiyay horumarka iyo magaca dowladnimada Soomaaliya.

Golaha Aqalka Sare oo shalay isugu yimid shir aanan caadiahayn kana dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa si wadar-ogol ah ku ansixiyay go’aankii Guuddiga joogtada uu gaarey September  12, 2018 oo ahaa in loo diro Dowlad Goboleedkasta guddi soo baara una kuurgala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira dowlad goboleedyada; si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah eeka jirta Dowlad Goboledyada isla markaasna xal loogu helilahaa xaaladda hadda taagan.

Dowlad Goboleedyada dalka ayaa ku baaqay in la helo gacansaddexaad ee u istaagta dhamaynta khilaafkan iyada oo aqalka sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ahna uu u istaagay sidii xal waara looga gaari lahaa xaalkan murugsanee horseedi kara dib u dhac aanan  si sahal ah looga soo Kansan lahaa

Goobjoog News