U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socday Dowladda Federaalka Iyo Talyaaniga Oo Gaaray Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa maanta gaaray wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Talyaaniga, kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Waxaa wafdigan hor kacayay wasiiru dowladaha wasaaradda arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xidig, waxaana xubnaha ka socda Talyaaniga ay ka kooban yihiin Afar Xubnood.

Ugu horeen wafdigaan ayaa la kulmay madaxda Jubbaland oo ay ka wada hadleen arimo ku saabsan horumarnta hay’adaha maamulkaasi, iyo sidoo kale dib u dhiska.

Intaasi ka dib ayaa waxa ay kormeer ku tageen xarunta loo dhisayo baarlamaanka Jubbaland, Dekadda Magaalada Kismaayo iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Uljeedka wafdigan ayaa ah in ay Jubbaland u sheegaan sida dowladda Talyaaniga ay uga go’an tahay kala qeybqaadashada dib u dhiska iyo sidoo kale horumarinta.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada