U bood dhigaalka

Wafdi ka socda Golaha Ammaanka QM oo soo gaaray Muqdisho

Sheeko:War
Lydia Wanyoto Mutende iyo saraakiil ka tirsan AMISOM oo soo dhoweynaya wafdiga QM. Muqdisho
Lydia Wanyoto Mutende iyo saraakiil ka tirsan AMISOM oo soo dhoweynaya wafdiga QM. Muqdisho

Wafdi ka socda Golaha Amaanka qaramada midoobey ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, xubnaha ka socda golaha ammaanka ee qaramada midoobey waxaana ay la kulmi doona Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay sii hayaha xilka wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Lydia Wanyoto Mutende iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.

Wafdiga ka socda Golaha Amaanka ee Magaalada Muqdisho soo gaaray maanta ayaa waxaa la filayaa in Madaxda Dalka Soomaaliya ay kala hadlaan Ammaanka iyo sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u Xaqiijin la hayd Amaanka dalka.

Warar hoose ayaa sheegaya in hogaamiyahaha maamulka KMG Jubba Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) uu ka mid yahay xubnaha wafdiga kula kulmaya Muqdisho, iyadoo la filayo inuu wafdi uu hogaaminayo goor dhow soo gaaro magaalada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Golaha Amaanka QM ay si gaar ah ula kulmi doonaan Guddiga Difaaca Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wafdigan ka socda golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa booqasho hal maalin ah ku joogi doona Magaalada Muqdisho.