U bood dhigaalka

Wafdi Ka socda Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Oo La Kulmay Mas’uuliyiinta Galmudug

Sheeko:Dalka

Wafdi Ka socda guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo Federaalka oo Ka kooban Labo komishener iyo lataliyaha xagga xogaha Dhulka iyo khariidadeynta ayaa booqasho 3 cisho ah ku jooga dowlad goboleedla Galmudug.

Wafdigan oo uu hogaaminyo Komishaner Abuukar Shiikh Cabdi Ibrahim ayaa ujeedka safarshaqadiisu aheyd sidii loo dardergelinlahaa howlaha GMXF ee Dowlad Goboleedka Galmudug, loona heli lahaa xogdhuleed saxan ee deegaannada Galmudug iyo sidii loo hirgelin lahaa loona howlgelin lahaa Xafiis uu Guddigu ku yeesho xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

GMXF waxaa ugu horeyn kulamo wadatashi xog sixid iyo hirgelin Xafiiska GMXF ee Galmudug  la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xayir Nur, wasiirka oo uga mahadceliyey GMXF dadaalka iyo howlkarnimada ayaa ku qancay xogihii la aruuriyey una balan qaaday wafdiga in uu ka taageeri doono furitaanka xafiiska GMXF ee Dowladgoboleedka Galmudug.

Goobjoog News