U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda IGAD Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta oo Axad ah ku wajahan wafdi ballaaran oo ka socda urur Goboleedka IGAD.

Wafdigan ayaa ulajeedka u tagayaan magaalada Baadweyne waxay tahay sidii loo xallin lahaa muranka hareeyay shirka maamul u sameynta Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxay la kulmi doonaan waxgaradka ku sugan Baladweyne ee diidan shirka ka socda Jowhar si ay uga dhaadhiciyaan ka qeybgalka shirkaasi.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah waxgaradka Hiiraan islamarkaana diiddan shirka Jowhar ayaa xaqiijiyey in wafdigan ay maanta tagi doonaan magaaladaasi.

Shirka Jowhar ee maamul u sameynta Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaan u socon sidii loogu talagalay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News