U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Mareykanka oo Hargeysa Kula Kulmay Madaxweyne Muuse Biixi

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada magaalada Hargeysa wauxuu ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socdadowladda, Maraykanka, kuwaas  oo isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil dhanka ciidan iyo Akaadamiga Heritage Foundation oo safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horrayna Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka uu dalku ku tallaabsaday oo ku yimi iskaashiga shacbiga iyo xukuumadihii kala danbeeyey ee nidaamka dimu-quraadiga ah isugu wareejinayey xukunka dawladnimo.

Wafdiga madaxweyne Biixi la kulmay ayaa kala ahaa Mr.Tibor Nagy, Kaaliyihii hore Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, Ambassador J.Peter Pham, Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa qaybo ka mida Galbeedka Afrika gaar ahaan gobolka Sahel, Taliyihii hore ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) General William “Kip” Ward, Mr Joshua Meservey, oo ka socda Heritage Foundation Kuna takhasusay siyaasadda Afrika iyo Bariga Dhexe.iyo

Waxa kale oo madaxweynuhu xubnaha weftiga la wadaagay arrimaha  Somaliland u suurageliyey in beesha caalamka iyo Afrika inteeda kalena ay ku majeerato, taas oo ah nabadgelyada, horumarka, doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah, dimuquraaddiyadda  iyo wax-wada qabsiga. Isagoo madaxweynuhu uga mahadnaqay xubnaha weftiga ee yimid Hargeysa.

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha Qaranka iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen sida qiimaha leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka una qaabileen, iyagoo xusay inay goobo badan booqdeen intii ay dalka ku sugnaayeen wakhtiyo  kala duwanna ay qaar ka midi  dalka yimaadeen balse wakhtigaasi ahaa markii dalku ka soo kabanayey burburkii dagaallada, maantase la joogo wakhti horumar badani ka muuqdo dalka, iyaguna ay xog-ogaal u ahaayeen isbeddellada iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadaas.

Waxaanay ku bogaadiyeen dawladda iyo shacbigaba  Somaliland horumarka ay ka gaadheen nabadgelyada, dimuquraaddiyadda iyo maamul-wanaagga, waxaanay muujiyeen inuu dalku yahay mid nabdoon oo wax-la-la qabsankaro. iyagoo madaxweynaha la wadaagay in indhaha caalamku u soo jeedaan horumarka ka socda Somaliland, in badan oo ah nasteexa Somaliland ahina ku diirsadaan horumarka iyo isku tiirsanaanta iyo wada-shaqaynta shacabka iyo Dawladda, waxaanay soo jeediyeen in halkaa laga sii wado guulahaa sababay in caalamku indhaha la raaco Somaliland.

Kulanka wafdigaan uu la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse  Biixi Cabdi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo ay jirto xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay Bannaanbaxyo rabshado watay oo maalinimadii khamiistii ka dhacay magaalooyinka Haegeysa Burco iyo Ceerigaabo, kaas oo khasaare sababay kadib markii ay isku dhaceen ciidanka ammaanka iyo qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiya mucaaradka, waxaana ay sheegeen in ay sii wadayaan Bannaanbaxyada ka dhankaa Muuse Biixi.

Goobjoog News