U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Qaramada Madoobe Oo Maanta Gaaray Magaalada Cadaado

Sheeko:Dalka

Wafdigan ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan mashaariicda hormarinta ee UNDPD-da ayaa ka koobnaa qaybaha taageera cadaaladda, Booliska iyo Baarlamaanka, waxaana kulanka ay wada qaateen Guddoonka Baarlamaanka Galmudug looga hadlay xoojinta kaalmada ay UNDP-du siiso Baarlamaanka, sida tababarrada, qalabaynta xafiisyada iyo farsamooyinka kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha amniga iyo Cadaaladda ee dawlad goboleedka Galmudug.

Masuuliyiinta ka socota Qaramada Madoobey ayaa wasaaradahani kala hadlay kordhinta mashaariicda lagu hormarinayo Booliska Galmudug iyo Cadaaladda, si loo helo nidaam garsoor iyo Caddaalad lagu kalsoonaan karo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa gabagabadii kulamadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay isla gaareen heshiiyo ku saabsan in tageero dhinacyo kala duwan ah inay UNDP-du siiso Baarlamaanka maamulka Galmudug.

“Wafdiga inoo yimid waxaan kala hadlay taageerada UNDP-da ay siiso maamulkaan Galmudug gaar ahaan taageeridda baarlamaanka Galmudug iyadoo sidoo kale ballanqaaday inay naga caawin doonaan arrimo la xiriira garsoorka.

Horay ayaa magaalada Cadaado sidaan oo kale waxaa u gaaray wafdiyo ka socda hay’adaha Qaramada Madoobe sida hay’adda UNDP-da oo saraakiil ka socotay ay kulamo la qaateen madaxda maamulka Galmdug iyo masuuliyiin kale oo maamulkaasi ka tirsan.

Goobjoog News