U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay Oo U Kuurgalaya Xaaladda Bini’aadannimo Ee Baardheere

Sheeko:Dalka

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa gaaray degmada Baardheere ee gobalka Gedo si ay ugu kuurgalaan xaaladaha Bini’aadannimo ee degmadaasi ka jirta.

Xubnaha Wafdigani ee ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa ee soo gaara Magaalada Baardheere muddo ka badan 10 sano, waxaana xubnahaan wafddiga ah ay isugu jireen xubno ka kala socday Hay’adaha WFP, FAO, UNICEF, UNDP iyo WHO waxaana hogaaminayay Madaxa Arimaha Bini’aadinnimada Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Peter Clark.

Wafdigani oo saacado kooban ku sugnaa Magaalada Baardheere ayaa waxay kulamo kale gedisan ay gudaha magaalada kula qaateen Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil (Farataag) Korneel Cabaas Ibraahin Gurey oo ah Taliyaha Ciidamada Gobolka Gedo iyo Xubno ka kala socdey Ururada Samafalka wadaniga ee ka howlgala Magaalada Baardheere.

Xubnaha Wafdiga ayaa Booqday xarumo ay kamid yahiin Isbitaalka Magaalada Baardheere, Saldhigga Booliska, Buundada Magaalada iyo suuqyada Ganacsiga, waxayna sheegeen in ay wax ka qaban doonaan xaaladaha deg dega ah, sida Gargaarka cunada, Caafimaadka, waxarashada, Beeraha iyo Biyaha.

Goobjoog News