U bood dhigaalka

Wafdi ka Socda Qatar Oo Muqdisho U Yimid Kormeerka Dekadaha La Dhisayo

Sheeko:Dalka

Wafdi ka socda dawladda Qatar oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen horumarinta dekadaha Soomaaliya.

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda Xukuummadda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in ujeedka wafdiga uu ahaa in daraasad iyo kormeer ay ku sameeyaan dekadaha Soomaaliya si loo ogaado dekadaha dayactirka u baahan iyo dekadaha Dhismaha cusub lagu sameynayo.

Wasiir Maryan ayaa sheegtay in booqashada wafdiga Qatar uu ku yimid Muqdisho ay fursad wanaagsan oo dhanka shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha ah u tahay ummadda Soomaaliyeed, loona baahanyahay in looga faa’iideeyo.

Booqashada Wafdiga Qatar ka socda ay ku yimaadeen Muqdisho ayaa ka dambaysay booqashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi la socday ay ku tageen magaalada Dooxa halkaas oo la iskula afgartay in la fuliyo Mashruucyo dhawr ah oo khuseeya dekadaha Soomaaliya .

Wafdiga ayaa booqan doona Maamul goboleedyada dalka si ay u soo kormeeraan dekadaha la doonayo inay ka fuliyaan dib u dhiska.

Goobjoog News