U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Wasaaradda Gaashaadhigga Oo Gaaaray Baledweyn

Sheeko:Dalka

Wafdi ka socda dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana hogaaminayey wasiir ku xigeenka wasaaradda  gaashaadhigga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Colaad Rooble.

Wafdigaan ayaa waxaa uu iskugu jiray xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Amisom iyo xubno ka socday midowga Yurub, ujeedka socdaalkooda ayaa waxaa uu ku saleysanaa u kuur galidda xaaladaha ammaan ee gobolka tayenta ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale daruufaha ay ku shaqeeyaan ciidamada.

Xildhibaan Saciid Maxamed oo ka tirsan guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya qeybna ka ahaa wafdigaan ayaa faafaahin ka bixiyey waxa uu ku saleysanyahay ujeedka socdaalkooda.

Xidhibaanka waxaa uu sheegay inay maalmo ku sugnaan doonaan magaalada kormeerna ay ku sameyn doonaan xeryahay ciidamada .

“Wafdigeena waxaa uu ku saleysanyahay u kuur galidda tayida iyo ciidanka iyo sida ay u noolyihiin inaan soo ogaano, wixii aan la kulano iyo waxyaabaha  kormeerka dib ayaan ka soo sheegi doonaa”.

Waa markii ugu horreysay oo ay gaaraan magaalada Baledweyne wafdi ka socda wasaaradda gaashaadhigga xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog News