U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Xafiiska UNSOM oo Hargeysa Gaaray

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta Magaalada Haegeysa ee Somaliland gaaray wafdi uu hogaaminaayey wakiilka cusub ee xafiiska gargaarka Biniaadamnimada ee UNSOM  Mr. Adam Abdul-mowla.

Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ayaa ku soo dhaweeyeey wafdiga  garoonka diyaaradahaee cigaal,waxaana loo soo galbiyey xarunta  Madaxtooyatada halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.

Wafdiga  ayaa waxaa ay kulan la qaateen madaxweyne-ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Seylici oo ay wehliyeen qaar kamid ah golaha wasiirada.

Kulanka ayaana intii uu socday waxaa lagu soo qaaday sidii xafiiska gargaarka Baniiaadamnimada UNSOM uu xoojin lahaa xiriirka kala dhaxeeyo  iyo sidii xafiiska uu u laban laabi lahaa garaarka uu siiyo Somaliland.

Goobjoog News