U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socday Dowladda Ingiriiska Oo Gaaray Baladweyne Iyo Kulamo Ay La Yeesheen Maamulka Gobalka Hiiraan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BaladweynWaxaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan gaaray wafdi balaaran oo ka socday dowladda Ingiriiska, waxaana hogaaminaayay Idward Even oo ah safiir ku xigeenka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

Markii ay gaareen magaalada Baladwayne waxa ay kulamo la qaateen madaxda maamulka Gobalka Hiiraan oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobalkaasi Cabdifitaax Xasan Afrax iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada AMISOM ee halkaasi ku sugan.

Kulankooda markii uu soo gaba gaboobay waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax iyo sidoo kale ku xigeenka safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Idward Even .

Safiir ku xigeenka ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen maamulka gobalka Hiiraan uu kusoo dhamaaday si is faham ah, islamarkaana ay isla garteen in mar walba Labada dhinac ay wada shaqeeyaan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mr Afrax ayaa isna dhankiisa sheegay in xubnahaan ay kala hadleen sidii loo sii wadi lahaa mashaariicda dib u dhiska ee gobalka, taasi oo gacan ka geysanaysa dowladda Ingiriiska, sidoo kalena waxa uu sheegay in ay ka heleen balan qaad ah garab istaaga maamulka la rajeynayo in loo sameeyo gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News