U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socday IGAD Oo Baladweyne Kula Shiray Qaar Ka Mid Ah Waxgaradka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaray wafdi ballaaran oo ka socday urur goboleedka IGAD kuwaasi oo magaaladaa ku gaaray safar aan horay loo sii shaacin.

Waxaa wafdiagan hoggaaminayey danjiraha IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, waxaana kulamo albaabada u xiran saacadana qaatay ay la yeesheen qaar ka mid ah Ugaasyada gobolka Hiiraan.

Saxaafadda ayaa kulanka dibad joog ka ahayd, waxaana ulajeedka wafdigan u tageen magaalada Baladweyne lagu sheegay arrimo la xiriira maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo wax ka dhaadhicinta waxgaradkan.

Kulanka ayaa soo gabagaboobay iyadoo aan saxaafadda wax natiijo ah loo sheegin, waxaana xubnaha IGAD la sheegay inay kasoo duuleen magaalada Baladweyne.

Wariyayaasheena ku sugan magaalada Baladweyne ayaa isku dayey in waxgaradka ay wax ka su’aalaan wada hadalkan ay la yeesheen IGAD iyo waxa kasoo baxay balse waa ay ka gaabsadeen in wax jawaab ah ay bixiyaan.

Waxgaradka Hiiraan qaarkood waxay diiddan yihiin shirka Jowhar, waxayna dhowaan ka sheegeen Baladweyne in aysan gabi ahaanba dooneyn in xilligaan ay wax la qeybsadaan Shabellaha dhexe, halka markii hore diidanaayeen shirka Jowhar lagu qabanayo iyo waxyaabo aan sidaa u fogeyn.

IGAD ayaa wadday dadaal ay ku dooneyso in waxgaradkan ku qanciso in ay ka qeybgalaan shirka Jowhar, inkastoo badi waxgaradka Hiiraan ay shirka Jowhar aqbaleen hadane weli waxgaradka qaar ayaa diiddan ka qeybgalka shirkaasi.

Goobjoog News