U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobey Oo Gaarey Kismaayo

Sheeko:Dalka

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, iyo wafdi uu hoggaaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulanka kadib waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Ambassador Micheal Keating oo ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Ugu horreyn madaxweyne Axmed Madoobe oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Kismaayo ku tagay Micheal Keating, waxaana uu sheegay iney ka wada hadleen arrimo badan oo abaaraha iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay ay kamid yihiin.

Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Jubbaland ay kamid tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna diyaar u tahay fulinta amarada dowladda Federaalka, waxaana dhanka kale uu madaxweyne Farmaajo ugu baaqey in isagana uu dhex dhexaad u noqdo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Micheal Keating, oo isna hadlay waxa uu Jubbaland ku ammaanay in xildhibaannadii lagu doortey Kismaayo fursad aad u weyn laga siiyey dhallinyarada oo uu sheegay in Jubbaland ay u badneyd.

Keating ayaa sidoo kale sheegay in doorashadii madaxweyne ee dalka ka dhacday ay ku dhacday si nidaam ah, islamarkaana dowladdan cusub ay aad u taageersan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Micheal Keating ayaa tilmaamay in mar haddii doorashooyinkii soo dhammaadeen ay Qaramada Midoobey xoojin doonto taageerada dowladda cusub, wax ka qabashada abaaraha, la dagaalanka Al-shabaab iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Goobjoog News