U bood dhigaalka

Wafdi Midowga Yurub Ka Socda Oo Gaaray Magaalada Baraawe

Sheeko:Dalka

Wafdi ka socday ururka midowga Yurub ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Baraawe ee gobalka Shabeelaha hoose, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay madaxda gobalkaaasi.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaayay safiirka midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee Amb. Nicolás Berlanga Martinez, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ku soo dhoweeyay guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali.

Ujeedka safarka midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay u kuur galidda xaaladaha ka jira deegaanada dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya oo inta badan ay ka dagaalamaan dhaqdhaqaaqa Al shabaab.

Waxaana sidoo kale xusid mudan in midowga Yurub uu gacan weyn ka geystay dhismaha garoonka diyaaradaha ee Baraawe oo shalay xarigga si rasmi ah looga jaray.

Magaalada Baraawe ayaa waxaa la filayaa in bilaha soo aadan uu ku shaqeeyo maamulka madaxweyne Laftagareen xilli dib u habeyn lagu sameeyay magaaladaasi.

Goobjoog News