U bood dhigaalka

Wafdi uu hogaaminayo Nicholas Kay oo gaaray Kismaayo

Sheeko:Dalka
U qaabilsanaha QM ee Soomaaliya, Necolas Kay
U qaabilsanaha QM ee Soomaaliya, Necolas Kay

Wafdi uu hogaaminayo ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo.

Wariye ka tirsan GoobjoogFM ayaa soo sheegay in masuulku ay soo dhoweeyeen xubno ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba iyada oo lagu wado in kulamo gaar ah la yeesho hogaamiyaha maaulka ku-meel gaarka Jubba Axmed Maxamed (Axmed Madoobe).

Ma aysan ahayn booqasho horay looga war qabay laakiin waxa ay u muuqataa in ay jirto wada hadal dhax maraya Nicholas Kay iyo maamulka KMG Jubba.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Kay uu u tagay Kismaayo sidii uu ugu qancin lahaa maamulka KMG Jubba in ay dowladda Federaalka ku wareejiyaan maamulida dekeda iyo garoonka Kismaayo.