U bood dhigaalka

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka duulista DF oo gaaray Beledwayn

Sheeko:Dalka

Wafdi ka socda xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Beledwayn.

Wafdigan waxaa hogaaminaya wasiirka duulista hawada kuwaas oo booqasho ku tagay isla maanta xaruumaha maamulka gobolka.

Madax ka socotay maamulka Hiiraan ayaa wafdigan ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Magaaladaasi.

Wafdiga wasiirka ayaa waxay kormeer ku mareen Garoonka Ugaas Khaalifa iyo sidoo kale xerooyinka ciidamada Qalabka sida.

Waxa uu sheegay in dhawaan dayactir xoogan lagu sameyn doono garoonka magaalada B/wayn ee gobalka Hiiraan.