U bood dhigaalka

Wafdi uu Hoggaaminaayo Xoghayaha Guud oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Sheeko:Dalka
Wasiirka Arimaha Guddaha XFS Mudane Axmed Macalim Fiqi, oo u wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane maxamuud Macalim Cabdulle iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres Ayaa Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowladd Goboledka KGS.
Wafdigaan waxaa garoonka Baydhabo ku soodha weeyey Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka ahna ku simaha Madaxweynaha Marwo Shamso Maxamed Yarow, Wasiirada Gargaarka, Dekadaha, Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo.
Guddoomiye Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiir Fiqi iyo Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa u kuur galay xaalada bin’aadanimo ee ka jirta xirooyinka dadka barakacyaasha ah ay ku nool yihiin, iyaga oo mid mid u dul istaagay shacabka tabaalaysan ee halkaas ku nool.
Mr Guterres ayaa booqashadiisa la xiriirta Arrimaha bani’aadanimada iyo taageerida howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ay hoggaamineyso dowladda Federaalka, kaas oo ka sococda gobollada dalka, waxaana dowladdu ay sheegtay in dadka lu nool deegaannada laga saray kooxda ay u baahan yihiin Gargaar Bani’aadannimo.
Goobjoog News