U bood dhigaalka

Wafdi Uu Hoggaaminayo Danjire Keeting Oo Gaalkayo Gaaray

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhow magaalada Gaalkacyo ka degay wafdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Madoobe u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

Wafdigani ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo ay uga hortageen masuuliyiin kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Mr. Keating iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee beesha caalamka ka socda ayaa magaalada Gaalkacyo u tegay ka qeyb galka wada hadalka nabadda ee dagaalka galbeedka Gaalkacyo lagu joojinayo.

Wafdi kale oo ka socda dowladda federaalka ayaa qorshaha uu yahay in isla maantaba ay tagaan magaalada Gaalkacyo.

Wixii Ku Soo Kordha Dib Kala Soco

Goobjoog News