U bood dhigaalka

Wafdi Uu Hoggaaminayo Wasiir Xoosh Oo Madaxda Iyo Shacabka Hirshabelle Kala Tashanaya Dastuurka

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil, Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka Maxamed C/laahi Saalax ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Mas’uuliyiintan ayaa markii ay gaareen magaalada Jowhar waxay kulan albaabada u xiran la qaateen madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Kulanka kadib, waxaa saxaafadda la hadlay wasiir Xoosh oo ka warbixiyey ulajeedka ay u tageen magaalada Jowhar.

Wuxuu sheegay wasiirka in halkaasi u tageen in madaxda Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay wadatashi kala sameyn doonaan arrimaha dastuurka.

“Waxaan u nimid halkaan inaan wadatashi  la sameynno madaxda Hirshaballe, guddigayada ay qusyeso dastuurka, aan kala tashanno geeddi socodka dastuurka wadatashigaasi wuxuu qeyb ka yahay mid weyn oo aan la sameeneyno maamul goboleedyada” ayuu yiri wasiirka.

Senator Cabdi Qeybdiid oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muhiim ay tahay shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan la gaarsiiyo la tashiga geeddi socodka dib u eegista dastuurka.

“Waxaa loo baahan yahay in si ballaaran loo gaarsiiyo shacbiga Soomaaliyeed meel walbo uu joogo la tashiga geeddi socodka dib u eegista dastuurka socodkeenna waa sidaasi”

Xubnahan ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan kusii sugnaadaan magaalada Jowhar ee xarunta Shabellaha Dhexe, waxaana ay kulamo wadatashi ah la qaadan doonaan madaxda Hirshabelle iyo bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Goobjoog News