U bood dhigaalka

Wafdi Yurub Ah oo Booqanaya Somaliland

Sheeko:Dalka

Wafdi ay hoggaaminayaan Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya  Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo  Safiirka dowladda Sweden Amb. staffan Tillander ayaa maanta gaaray Maagaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay  kulan la qaateen Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland.

Labada Safiir iyo wafdiga la socday ayaa  Madaxweyne Biixi kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo Midowga iyo Somaliland iyo dardar gelinta wada shaqeynta laba dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Somailand ay qeybqadan laheyd xasilinta mandiqadda geeska Afrika.

Sidoo kale Saafirada ayaa Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Somaliland si Dimuquraadiyad ah Midowga Yurubna uu ka geysan doono taageero sidii loo qaban lahaa doorashka Somaliland oo waqtigooda ku dhaca.

Dhanka kale wafdiga ayaa uga mahada celiyay Somaliland sida ay u taageerto hanaanka doorashooyinka Dimuquraadiyadda ah, waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin taageero ballaaran ay ka geystaan doorashooyinka.

Wafdigaan gaaray Somaliland ee ka socda Midowga Yurub ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo dhowaan la filaayo in Somaliland ay ka qabsoomaan doorashooyionka ayadoo dhawwaan xisbiyada ka jirana ay gaareen heshiis ku aadan guddiga doorashooyinka madaxbannaan iyo in si siman loo qeybsado.

Image may contain: 2 people, people standing and suit

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Goobjoog News