U bood dhigaalka

Wafdiga Aqalka sare Ee Maalmahan ku Sugnaa Garoowe Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Wafdiga Aqalka Sare ee uu hogaaminaayay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo safar shaqo ku joogay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo wafdigiisa oo Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garowe ee Casimada Puntland, ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxay ka qeyb galeen xuska markii la unkay maamulkaasi 1-da Agost 1998-dii.

Sidoo kale,guddoomiye Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa intuu ku sugnaa magaalada Garoowe kulamo duwan la qaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Puntland iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Goobjoog News