U bood dhigaalka

Wafdiga Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Melbourne Ayaa Booqday Garoonka Stadium Muqdisho Oo Ay Dowlada La Wareegtay Saddex Bil Ka Hor

Sheeko:Cayaaraha

Waa kooxdii labaad oo qurbajoog ah oo booqasho iyo indha dheyn u tagta garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho oo ay dowlada la wareegtay saddex bil ka hor waxaana socodaalkooda ku wehlinyay gudoomiyahay gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho iyo madaxda hogaaminaysay kooxda qurbajoogta soomaaliyeed ee dalka Australia.

Gudoomiyaha kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne Xuseen Xarakow ayaa sheegay in sanadkan soo aadan ay jecelyihiin garoonka oo la dhigay cowska macalimka in ay ku ciyaaraan iyagana ay diyaar u yihiin in ay doorkaaga ka qeyb qaadashada dib u dayctirka.

Gudoomiyahay gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusman (Eng.Yariisow) oo qeyb ka ahaa booqashada garoonka Stadium Muqdisho ayaa sheegay in uu jiro farqi weyn tan iyo kolkii ay dowlada la wareegtay tuulada ciyaaraha qurbajoogtana looga baahanyahay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska garoonka iyo goobaha taariikhiga.

Qaar ka mid ah dhalinyarada ku koray qurbaha ayaa inoogu waramay dareenkooda,iyagoo sheegay in ay ku farax sanyihiin imitaanka Stadium Muqdisho oo ay marar badan ka arkeyn barbaraha bulshada.

Waxaan ka mid ahaa ciyaaryahanadii kusoo ciyaaray tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho maanta waxaan dareemayaa xasuustii uu lahaa garoonka waxaana u Mahad celinaynaa cid Walbo oo kaalin ka qaadatay dib usoo celintiisa anagana waxaan diyaar u nahay in ciyaarno doorkeena waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Cali Xuseen oo tababaraha kooxda Melbourne horayna ugu soo ciyaaray kooxda bada iyo Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha degmada Warta-nabada Saynab Xaabsay ayaa sheegtay in maamulka gobolka Banaadir iyo wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada ay ka sugayaan in garoonka lagu bilaawo ciyaaro saaxiibtinimo si ay usoo noqoto kalsoonida dhalinyarada xiisanaysa in ay stadium Muqdisho oo lagu ciyaarayo.

Halkaan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Booqashadooda Stadium Muqdisho

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/272372533628083/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle