U bood dhigaalka

Wafdiga Ka Socda DFS Ee Ku Sugan Garoowe Oo Kulamo La Leh Madaxda Cusub Ee Puntland

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in wafdiga ka socda dowladda federaalka ee isugu jira wasiirada iyo xildhibaannada ay kulamo kula qaadanayaan magaaladaasi madaxda cusub ee dowlad goboleedka Puntland iyo sidoo kale waxgaradka maamulkaasi.

Kulamada ayaa ah sidii maamulka Puntland ula shaqeyn lahaa dowladda dhexe, maadaama maamulkii Gaas aanu xiriir wanaagsan la lahayn dowladda federaalka ah.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo dhanka kale, madaxweynaha cusub ee Puntland uu la kulmayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News