U bood dhigaalka

Wafdiga Madaxwayne Xasan oo si diiran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayoee xarunta gobolka Jubbada hoose halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u tegay magaalada Kismaayo furitaanka wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka dega gobolada jubbooyinka ayaa waxaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Madaxweynaha ayaa waxaa magaalada Kismaayo ugu sii horeeyay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda, Cabdullaahi Goodax Barre.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay gaar ahaan wadada isku xirta garoonka diyaaradaha ilaa gudaha magaalada.

Wafdigii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u dhaqaaqay dhanka hoolka shirweynaha dib uheshiisiinta oo ah xarunta caymiskii hore hadana noqotay xarunta cusub ee Baarlamaanka Jubba.

Madaxweynaha ayaa goor dhow furi doona shirweynaha dib uheshiisinta Kismaayo kaas oo dib loogu heshiisiinayo beelaha ku wada nool deegaanada Maamulka Jubba uu ka taliyo.

Furintaanka wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka wada dega gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka kala socda IGAD,qaramada Midoobay iyo midowga yurub.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay  dad weyne aad u fara badan kuwaasi oo safnaa inta u dhaxeysa wadada ka soo baxda garoonka diyaaradaha ilaa gudaha magaalada Kismaayo.