U bood dhigaalka

Wafdigii Soomaaliya u matalayey shirkii Masar oo dalka dib ugu soo noqday

Sheeko:Dalka

Wafdigii Dowladda Soomaaliya uga qeyb galay shirkii lagu soo gaba gabeeyay dalka Masar ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo uu hogaaminayay wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Mahad Max’ed Salaad ayaa faah faahin ka bixiyay Muhiimadda shirka ay uga soo qeyb galeen wadanka Masar.

wasiir ku xigeenka wuxuu  sheegay in madaxda shirka kasoo qeyb gashay ay u gudbiyeen warbixin ku aadan xaaladda abaaraha Soomaaliya iyadoo halkaasi looga dhawaaqay caawinaad ay u sameynayaan wadamada carabta dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen iyo dib u dhiska adeegyada Bulshada.

Waxa uu  sheegay in shirkaasi ay ka jeediyeen dalab ku aadan in wadamada Carabti ay Soomaaliya ka caawiyaan dhinacyada Gurmadka abaaraha iyo dib u dhiska adeegyada Bulshada.

wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah Mahad Max’ed Salaad ayaa intaasi raaciyay in ay balan qaad u sameeyeen inta badan Dowladaha Carabta kaasi oo ku saabsan Caawinaada dadka soomaaliyeed ee dhinaca abaaraha ka jira Gobolada dalka Soomaaliya.