U bood dhigaalka

Wafti Ka Socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Kormeerey Goobo Ku yaala Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wafti sare oo ka socda wasaaradda arrimaha gudaha oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baladweyne ayaa maanta kormeerey goobo muhiim ah oo ku yaala magaaladaasi, waxayna saxaafadda u sheegeen in ay aad ugu farxeen waxyaabihii ay soo arkeen.

Waftigan oo ay hogaamineyso agaasimaha horumarinta iyo maamul wanaagga wasaaradda arrimaha gudaha Canab Axmed Ciise ayaa waxaa kormeerka ku wehliyey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xassan Afrax, meelaha ay soo kormeereene waxaa ka mid ah xerada ciidamada Lama Galaay oo dib u dhis lagu saameyey iyo suuqyo uu dhawaan dhisme ka bilaabay maamulka.

Waftigani ayaa Baladweyne u tagay ka qeybgalka shir wadatashi ah oo maalmahan ka socdey magaalada Baladweyne, kaasi oo looga arrinsanayay aayaha gobolka.

Cana boo warbaahinta kula hadashay xerada lama galaay ayaa sheegtey in ay aad ugu faraxsantyahay waxa ay soo aragtey iyo horumarka gobolka ka socda, waxa ay sheegtey in iyada xusuus gaar ah u leedahay xerada Lama Galaay maadaamaa sanadkii 1985-tii loo bedelay xeradani iyada oo 2 xidigle ah .

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dhawaanahan wada dadaalo ay ku gaareyso gobolada dalka si loo dardar galiyo hawlaha maamul u sameynta goboladaasi iyo arrimaha amniga iyo bulshada.

Goobjoog News