U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Ka Hadlay Ulajeedka Safar Madaxweyne Siilaanyo ee Dalka Ingiriiska

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo Wafti uu hoggaaminayay oo muddo 2 todobaad ah ku sugnaa dalka Ingiriiska ayaan la kulmin wax mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda Ingriiska iyadoo markii hore la filayay iney si fiican ugu qaabilaan waftida gudaha dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Somalialnd  Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland safarka uu ku joogo dalka Ingiriisku uu yahay mid booqasho iska caadi ah oo  aan ka dhalan casuumaad ay dawladda Ingiriisku u fidisay madaxtooyada Somaliland, hadalkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii mucaaradka xukuumadda Siilaanyo ee talada haysa ay ku dhaliileen inaanu la kulmin cid masuul ka ah dalka Ingiriiska, taasina ay dhaliil ku tahay safarka madaxweynaha uu ku joogo dalka Ingiriiska.

Wasiir Sacad waxa uu sheegay in ujeedka guud uu ahaa in madaxweynuhu uu la kulmo jaaliyadda reer Somaliland ee UK  isla markaana uu uga warramo xaaladda guud ee dalka iyaguna su’aalo uga weydiiyaan.

Dr Sacad  Cali Shire wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland  waxa kale oo uu  sheegay in madaxweyne Siilaanyo oo hadda laba todobaad ku dhawaad jooga dalka Ingiriiska uu kulamo la qaatay dad kala duwan oo Somaliland ka soo jeeda iyo kuwa siyaasad ahaan taageera.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay  warar ay mucaaridku ku sheegeen in madaxweyne Siilaanyo uu ku hungoobay iney la kulmo madaxda dalka Ingiriiska,   balse waxa uu isagu kaga jawaabay  iney nasasho ku jirto ujeedka safarkooda madaxweynaha  oo ay la socdaan wasiirro ka tirsan xukuumadiisuna .

Wareegtadii bil ka hor ka soo baxday xafiiska madaxweyne Siilaanyo ee uu ku kala qaaday doorashooyinka madaxweyne iyo tan baarlamaanka maamulka ayaa keentay iney kala fogeyso xiriirkii wanaagsanaa ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo beesha caalamka oo go’aankaa si xoog leh uga soo horjeestay.

Madaxweyne Siilaanyo oo haysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa sannadkiiba Labo mar ku dhawaad taga dalkaasi iyada oo inta badan safarkiisa lagu tilmaamo  inuu yahay mid caafimaad  oo uu si joogto ah dhakhtar ula xiriiro, waxaana isla maantaba soo gabagaboobay safarka oo muddo Labo todobaad ah qaatay.

Goobjoog News