Wufuud heer sare ah oo ka tirsan qeybaha iyo maamulada kala duwan ee Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baydhabo si ay uga qeyb galaan xafladda Caleemo-Saarka Madaxweynaha Koofur Galbeed ee Soomaaliya Shairf Xasan.
Wufuudda waxaa ka mid ah Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Gedi, Wasiirka Warfaafita ee Puntland Cabdi wali Xesri Indhoguran iyo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubaland Suldaan Cabdiqadir Luga dheere.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo Caleemo Saarka Sharif Xasan.
Sharif Xasan ayaa 17-kii November 2014-ka loo doortay Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya, waxaa na maanta lagu dhaarinayaa magaalada Baydhabo.