U bood dhigaalka

Wasiir Odowaa Oo Ka Hadlay Khilaaf Siyasaasadeedka Ka Jira Gobalka Bakool

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka jira gobalka Bakool.

Wasiirka oo la hadlayay Idaacadda VOA ayaa sheegay in wasaaradiisa ay ka warqabto wax walba oo ka jira gobalka Bakool, islamarkaana ay la hadleen maamulka Koonfur Galbeed si wax walba loo xalliyo.

Odawaa ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka ku dhaqan gobalka Bakool, gaar ahaan kuwa dhaqan degmooyinka loo sameeyay maamulka Bakool sare ay yihiin shacab ka tirsan Koonfur Galbeed, islamarkaana ay xaq ku leeyihiin maamulkaasi, lana ilaalinayo wax walba oo ay xaq u yeeshaan.

“Arrinta ka taagan Bakool iyo Koonfur Galbeed warbixinteeda waan haynaa, dad dacwo qaba dabcan maamul gobaleed walba markii la dhisayo wey jiraan, madaxda Koonfur Galbeed annaga oo wasaaradda arrimaha gudaha ah waan kala hadalnay dacwadda ay dadkaasi qabaan, waana rajeyneynaa in la xalliyo khilaafkooda oo dadkaasi dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed bay ka tirsan yihiin xaqoodana in la ilaaliyo waa mas’uuliyad Federaalka iyo dowlad gobaleedkaba saaran, waana ku dadaaleynaa hadii uu Alle Idmo” ayuu yiri wasiirka

Dhawaan degmada Ceelbarde waxaa looga dhawaaqay maamul loogu magacdaray Bakool sare, kaasi oo ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoog News