U bood dhigaalka

Wajeer: 2 Qof Ayaa Maanta Lagu Diley

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan labo qof ayaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen degaanka la yiraahdo Dagax ee ku yaalla degmada Wajeer, ee waqooyi bari dalka Kenya.

Dhimashada labada qof ayaa timid weerar ay ku qaadeen koox hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakada Alshabaab.

Ragga ayaa weeraray xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom, sida uu sheegay taliyaha booliska magaalada Tarbaja.

Taliye Andrew Mwiti ayaa sheegay in taawarkii isgaarsiinta ee ku yaallay tuulada Dagax dhammaantiisba ay burburiyeen kooxda hubeysan.

Sidoo kale kooxda hubeysan waxay gudbtay labo baabuur oo taallay xarunta shirkadda Safaricom ay degaankaasi ku leedahay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Alshabaab ay dab qabadsiiyeen labo Taawar oo ay kala leeyihiin shirkadaha kala ah Safaricom iyo Orange oo ku yaalla magaalada Utulo.

Madaxa shirkadda Safaricom ayaa sheegay inay khasaare xooggan kala kulmeen weerarradaasi lala eegtay.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay dalkan Soomaaliya sanadkii 2011 xilligaasoo ay baacsanayeen Alshabaab waxaana markii dambe ay kamid noqdeen howlgalka midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM.

Goobjoog News